Nagu saabsan
Isbeddel dhab ah oo ay horseedaan muwaadiniintu
Xisbiga Isbeddel-doonka Soomaaliyeed (XIS), ama Somali Reform Party, waa xisbi ku dhisan cadaalad, sinnaan, aqoon iyo ka-qaybgal dimuqraadi ah. Xarunta dhexe waa Muqdisho, laamaha xisbigu waxay gaari doonaan gobollada iyo jaaliyadaha dibadda.
Qiyamka XIS
Cadaalad, sinnaan, hufnaan, aqoon, waddaniyad iyo isla-xisaabtan ayaa ah aasaaska shaqadeenna.